Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Mucawisley oo Gobolka Hiiraan ka dhacay

macawisley

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyey dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo kooxda Macawiisley oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Macawiisley ay weerareen fariisimo Al-Shabaab ay ku leeyhiin deegaanka Ceel Cali ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday muddo saacado ah, islamarkaana la’islu adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan iyo dagaalka xigay ay ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Macawiisley oo ah koox ka aas aasantay deegaanada maamulka HirShabelle ayaa muddo dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here