Dagaal xoogan oo weli ka socda magaalada Guriceel

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maalintii labaad oo xiriir ah uu halkaasi ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidammada dowladd Soomaaliya iyo xooggaga Ahlu Suna.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo ah dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dad rayid ahba.

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi oo gudoomiye kuxigeenka amniga magaaladaasi, Cabdishakuur Axmed Faarax oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xaaladdu ay haatan deggan tahay meel koobanna la isugu keenay waxa uu ku tilmaamay maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Ahlu Sunna.

Dedaallo badan oo aan galinay sidii aan dhinaca Ahlu Sunna war uga heli lahaynse waan ku guuldarraysannay.

Gudoomiye kuxigeenka amniga ee magaalada Guriceel, Cabdishakuur Axmed Faarax, oo khadka taleefanka ugu warramayay Ibraahim Maxamed Aaden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here