Dagaalka Trump iyo Ilhaan oo heer cusub gaaray

ilhaan cumar iyo trump

Waxaa wali socota cambaareynta loo jeedinayo madaxwayne Donold Trump ka dib markii uu weerar dhanka afka ah ku qaaday 4 haween ah oo ka tirsan aqalka Kongreska Mareykanka.

Koox haween ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa si carol eh uga jawaabay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu sheegay in afartan xubnood ay tahay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Siyaasiyiin badan iyo kuwo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa tallaabadaan ku cambaareeyay madaxweynaha.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

Afarta haween ee la rumaysan yahay in uu madaxwayne Trump hadalkisa ula jeeday ayaa dhamaantooda loo doortay aqalka koongreska doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan Mareykanka ka dhacday.

Siyaasadooda u janjeerta dhanka bidix ayaa sababtay in ay isku dhacaan Nancy Pelosi – gaar ahaan arrinta siyaasadaha socdaalka.

Mid ka mid ah haweenkaasi waa Ilhan Omar – oo ku dhalatay dalka Soomaaliya islamarkana tagtay Mareykanka iyada oo aad u da’yar.

Saddex haween ayaa kala ah Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez .

Saddex qoraal oo uu shalay Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo.

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”.

“Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here