Dagaallo culus ayaa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeeyo ciidamada degaamada SSC iyo Maleeshiyadda Somaliland. Dagaalka waxaa barbar socoto duqeyn aan loo meel deyaynin oo maleeshiyada Muuse Biixi la beegsanayaan goobaha dadka shacabka ahi ku sugan yihiin iyo danta guud.
Duqeynata ayaa sidoo kale saameysay goobo kale sida dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, balse labada dhinac ayaa weli is weydaarsanaya hub culus iyo sidoo kale hoobiyeyaal.
Dagaalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo Somaliland loogu baaqay in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.