Dagaalo xooggan oo laga soo sheegayo gobolka Darfur

ciidamada nabad ilaalinta darfuur

Dagaal u dhexeeya qowmiyado wada degga Suudaan ayaa ka dhacay gobolka galbeed ee Darfur, waxaana ku dhintay 80 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Suudaan oo soo xiganaysa ururka dhakhaatiirta.

Dagaalka oo ka dhacay caasimaadda gobolka ee El Geneina ayaa bilowday ka dib markii qof ka tirsan dadka deegaanka lala dhacay Tooreey.

Waxaana gobolka lagu soo rogay bandow, Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok ayaa wefdi u diray gobolka si ay baaritaan ugu soo sameeyaan dagaallada dhacay.

Dagaalo noocan ah ayaa ka bilowday gobolka Darfur sanadkii 2003-dii, waxaana ka qaxay dagaallada malaayin qof inkasta oo ay socdaan dadaallo nabadeed, weli waxaa halkaas ka taagan xiisad.

Rabshadaha Sabtidii dhacay ayaa imanaya wax ka yar seddex toddobaad uun ka dib markii ciidamada nabad ilaaliinta ee ka socda Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika ay amniga ku wareejiyeen maamulka Khartoum ka dib 13 sano oo ay halkaas joogeen, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC Youssef Taha.

Isku dhacyo noocan oo kale ah ayaa ka dhacay El Geneina sanadkii hore, kadib markii xoolo dhaqato ka soo jeedda qowmiyada carabta ay dagaal la galeen qabaa’il aan Carab ahayn, waxaana ku dhawacmay boqolaal qof.

Dagaalkii ugu dambeeyay, oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 100 qof , ayaa wuxuu udub dhaxaad u ahaa xero ay deggenaayeen dad ku barakacay colaadda Darfur.

Gacan ka hadal dhex maray labo nin ayaa markii dambe isu bedelay dagaal u dhexeyo maleeshiyo hubeysan, sida ay soo warinayso wakaalada wararka ee AFP.

Heshiis nabadeed oo u dhexeeya inta badan qowmiyadaha deggan gobolka , Darfur ayaa la saxiixay sanadkii hore.

Colaada Daarfuur waxay soo bilaabatay xiligii Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, kaasi oo xukunka laga tuuray sanadkii 2019.

Al-Bashiir ayaa waxaa imika baadi goobaysa maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC, waxaa uu wajahayaa dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here