Dal sharciyeeyey in laga caawiyo qofkii doonaya in uu is dilo

austria police

Sharci ogolaanaya in in isdilka laga caawiyo qfkii doonaya ayaa ka dhaqan galay Austria.

Laga bilaabo Sabtida, dadka qaangaadhka ah ee jirran ama qabaxanuun joogto ah, tabar daran, waxay dooran karaan inay qayb ka noqdaan barnaamij dhimashada laga caawinayo.

Baarlamaanka ayaa ansixiyay sharcigan cusub bishii Disembar, ka dib markii maxkamadda dastuuriga ah ay go’aan ka gaadhaay arrintan.

Qorshahay ayaa si adag loo nidaamin doonaa, iyadoo kiis kasta ay qiimeynayaan laba dhakhtar – kuwaas oo mid ka mid ah uu noqon doono khabiir daawada palliative – ah daawo daawo xanunka ka qaadda isticmaalaha.

Saraakiisha ayaa sheegay in dowladdu ay sidoo kale u qoondeysay lacag lagu horumarinayo daryeelka daawadan si loo hubiyo in qofna uusan dooran inuu dhinto xilli xulashooyin kale la heli karo.

Is-diliddan la iska kaalmeynayo, ee qofka la siiyo dookha ay noloshooda ku soo afjari karaan ayaa sida oo kale sharci ka ah gudaha Switzerland oo deris la ah.Waxa kale oo lagu xukumay dhawr waddan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Spain, Belgium iyo Netherlands.

Sharcigan cusub ayaa si cad uga saaraya carruurta yaryar ama kuwa qaba xaaladaha caafimaadka dhimirka, barnaamijka ka caawinta isdilka.

Dadka waaweyn ee doonaya inay noloshooda ay joojiyaan waa inay soo maraan baadhitaan caafimaad oo ay helaan caddayn ah inay awoodaan inay go’aanadooda qaataan.

Kaddib marka ay oggolaansho ka helaan laba dhakhtar, bukaanku waa in ay sugaan 12 toddobaad si ay uga fikiraan go’aankooda – ama laba toddobaad haddii ay qabaan jirro halis ah.

Haddii ay weli rabaan inay ku sii socdaan muddadan sugitaanka ka dib, waxay markaa ka heli doonaan daaweynta ka caawinayain ay isdilaan farmashiyaha ka dib markay ogeysiiyaan qareen ama nootaayo.

Si looga hortago xadgudubka, magacyada farmashiyeyaasha iibiya dawooyinkan waxaa kaliya oo shaaca looga qaadi doonaa qareennada iyo nootayada hela ogeysiisyadan, lamana xayeysiin doono si guud.

Ilaa hadda, sida uu dhigayo sharciga Austraia, qof kasta oo qof ku qasbay ama ka caawiyay inuu is dilo wuxuu wajahayaa xabsi shan sano ah.

Mamnuucidda buuxda ee dhimashada la iska caawinaya ayaa waxaa qaadday maxkamad federaalka sanadkii hore, taasoo xukuntay in ay “xadgudub ku tahay xaqa aayo ka tashiga”.

Ka hor inta aan xeerarka cusub ansixin baarlamaanku sanadkan, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dooday in ay isku deyeen in ay ka hortagaan qorshahan la doonayo kuwa raadinaya ka caawinta inay dhintaan.

Qaar kale waxay ku doodeen in shuruudaha xaddidaadduhu ay aad u yar yihiin, iyagoo sheegay in qiimeynta dhimirka aysan ku filneyn in lagu qiimeeyo awoodda go’aan qaadashada bukaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here