DALALKA G7 OO DHALEECEEYAY AFTIDA KA DHACAYSA QAYBO KA MID AH UKRAINE

afti luhansk

codeynayaImage caption: Askari ka tirsan jamhuuriyada iskeed gooni u goosadka ugu dhawaaqday ee Luhansk oo codeynaya

Dalalka ugu taajirsan adduunka ee G7 ayaa dhaleeceeyay waxa ay ku tilmaameen aftida waxbo kama jiraanka ah ee laga qabayo qeybo kamid ah Ukraine oo ku aadan in shacabka ay ku biirayaan Ruushka iyo in kale.

Waxay ku tilmaameen aftida ka dhaceyso meelo ka tirsan Ukraine ay horkacayaan saraakiil taageero ka helo Ruushka mid kasoo horjeeda xeerarka Qaramada Midoobey.

Ukraine waxay ku gacan seyrtay aftida ay ku tilmaantay tallaabo jees jees ah oo aan sharciga waafaqsaneyn.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in arrintani ay tallaabo dacaayad ah oo uu ka dambeeyo Ruushka.

Waxay intaa ku dareen in Ruushka uu aftida uga raadsanayo qiil sidii si sharci darro ah uu kula wareegi lahaa dhulka Ukraine.

Ruushka wuxuu sheegay in shacabka ku nool dhulka uu qabsaday uu siinayo fursad ay ku cabbirayaan aragtidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here