Dalkii labaad oo Khaliijka ah oo maanta xiriir rasmi ah la yeelanaya Israel

boqorka Bahrian iyo trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta ku dhowaaqo in Bahrain ay noqon doonto dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo xiriir la yeesha Israel kadib Imaaraadka Carabta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay wargeyska Times of Israel in Trump uu warkan Aqalka Cad kaga dhowaaqi doono 1:00pm xilliga saacadda bari ee Mareykanka.

Boqortooyada Bahrain, oo ah dal aad u yar oo xuduud la leh Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa muddo la filayey inay noqoto dalkii labaad ee Khaliijka ah oo xiriir la yeesha Israel, maadaama muddo ay isku dhowaayeen Yahuudda.

Trump ayaa shir jar’aaid oo uu qabtay Khamiistii ku tusmeeyey in dal labaad uu kula biiri doono Imaaraadka Carabta xiriirka Israel, oo lagu saxiixi doono munaasabad ka dhaceysa Aqalka Cad 15-ka September.

“Toddobaadka soo socda waxaan Aqalka Cad ku saxiixi doonnaa heshiiska Imaaraadka iyo Israel, waxaana macquul ah in dal kale uu nagu soo biiri doono,” ayuu yiri Trump.

“Waxaad arki doontaan dalal kale oo si is-xig xiga u iman doono muddo kooban, waxaadna arki doontaan Bariga Dhexe oo nabad ah,” ayuu yiri Trump. Trump ma shaacin xilligaas dalka labaad ee ku xigi doona Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu wada-hadal la leeyahay Sacuudiga. “waxaan la hadlay boqorka Sacuudiga, wada-hadallo ayaa socda, balse waa billow,” ayuu yiri.

Sacuudiga waxay horey u sheegeen inay xiriir la yeelan doonaan Israel kaliya haddii Falastiin loo ogolaado inay dal noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here