Daqiiqad-daqiiqad sidii ay u dheceen qaraxyadii diyaaradaha loo adeegsaday

twintowers

Waxay ahayd xilli aroor ah oo at taariikhdu ku beegnayd 11 -kii Sebtember 2001, afar diyaaradood oo la soo afduubtay ayaa ku burburay laba dhisme oo taariikhi ah oo Mareykanka ku yaallay, kuwaas oo astaan ​​u ah awooddiisa dhaqaale, siyaasadeed iyo militari ba.

Weeraradii 9/11, oo ay ku dhinteen 2,996 qof, ayaa weli ah kuwii ugu weynaa ee abid lagu qaado ciidda Mareykanka, cawaaqibkiisuna weli waa la dareemayaa ilaa maanta.

Weeraradan ka dib ayay bilowdeen waxa loogu yeero ‘dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ee Mareykanka uu horkacayo, waxaa ka mid ahaa duullaankii Afghanistan iyo Ciraaq.

Marka la eego heer shaqsiyadeed, jiil dhan ayaa weli xusuusanaya halkii ay joogeen markii ay maqleen weeraradii dhacay taariikhdaas.

Waa tan sida ay 149 daqiiqo oo fowdo iyo argagax ah u dhaceen subaxaas.

07:59

Duulimaadka American Airlines Flight 11 (AA11) wuxuu ka duulayaa Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Logan ee Boston, isagoo kusii jeeday Los Angeles. Duuliye, kuxinkisa iyo sagaal kaaliye diyaaradeed ayaa saaran.

Waxaa kale oo saarnaa 81 qof oo ah rakaabka ah iyo shan afduubayaal ah, oo uu hoggaaminayay Maxamed Atta oo u dhashay dalka Masar.

Qorshaha weerarka wuu socday xilligaas.

Weerarkii 9/11

Maxamed Shan sano ka hor ayuu saldhigga Al-Qaacida ee Afghanistan ka soo baxay.

Khalid Sheekh Maxamed, oo ah dagaalyahan Pakistani ah, oo loo arko in uu yahay ninka wax ka soo abaabulay weerarada, ayaa la yimid fikradda ah in uu Islaamiyiinta u tababaro duuliyeyaal iyada oo ujeedadooda tahay in ay afduubtaan diyaaradaha oo ay u adeegsadaan sida hub ka dhan ah Mareykanka.

Khalid Sheikh Mohammed iyo Osama Bin Laden,
Qoraalka sawirka,Khalid Sheekh Maxamed iyo Osama Bin Laden,

Qorshahan waxaa saxiixay hoggaamiyahii Al-Qaacida, oo ahaa maal-qabeen u dhashay Sucuudiga, oo raadaarka u saarnaa hay’adaha sirdoonka Mareykanka, kaas oo markii dambe noqday ninka loogu doon doonista badan yahay dunida oo dhan: Waa Osama bin Laden.

08:14

Qeybta kale ee isla madaarka Boston, duulimaadka United Airlines ee 175 (UA175) ayaa sidoo kale u duulayay Los Angeles, iyadoo ay saaranaayeen sagaal shaqaale ah iyo 56 rakaab ah.

Shan ka mid ah waxay ahaayeen afduubayaal.

9/11

Isla mar ahaantaana, duulimaadka AA11, afduubayaasha waxaa u suurogashay inay galaan sagxadda duulimaadka oo ay la wareegaan maamulka diyaaradda koobaad.

Markii hore, laba ka mid ah shaqaalaha duulimaadka ayaa mindi lagu duray. Marka xigta, Atta, oo ah midka kaliya ee ka mid ah shanta afduubayaasha ee haysta tababar ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha, ayaa ka kacay kursigiisa isagoo u dhaqaaqay qeybta diyaarada laga hago. Afduubaha shanaad ayaa mindi ku dhuftay qof rakaab ah.

Dhibbanaha waa Daniel Lewin, oo afar sano la soo shaqeeyay ciidanka Israa’iil oo fadhiyay kursiga ka dambeeya Atta. Waxaa la rumeysan yahay in la dilay isagoo isku dayaya inuu joojiyo afduubka.

Sida afduubyada kale ee diyaaradaha, shaqaalaha iyo rakaabkii kale ayaa lagu khasbay inay u wareegaan xagga dambe ee diyaaradda.

08:20

Diyaaradda American Airlines Flight 77 (AA77) ayaa ka duushay gegida dayuuradaha ee Washington-Dulles ee Washington D.C, iyada oo ay la socdeen lix shaqaale ah iyo 58 rakaab ah, oo ay ku jiraan shan afduub.

Bartilmaameedkooda wuxuu ahaa Los Angeles.

9/11

08:24

Atta wuxuu isku dayay inuu la xiriiro rakaabka, laakiin wuxuu riixayaa badhan khaldan wuxuuna si khalad ah ugu gudbiyaa warka afduubka maraakiibta hawada ee Boston.

Waxa uu shaaca ka qaadayaa in aysan ahayn hal diyaarad oo keliya, balse dhowr diyaaradood la afduubay.

Warka ku saabsan afduubka ayaa gaaray Maamulka Duulista Hawada ee Maraykanka (FAA), oo ah wakaaladda maamulka hawada ee dawladda.

08:42

Diyaaradda United Airlines Flight 93 (UA93) ayaa ka duushay gegida diyaaradaha ee Newark ee New Jersey, kuna sii jeeday San Francisco.

Waxay ahayd inay baxdo 8:00 subaxnimo, laakiin mashquulkii subaxnimo ee garoonka ayaa dib u dhigtay duullimaadkaas.

9/11

Markay diyaaradda UA93 kacaysay, diyaaradda labaad – ee UA175 – ayaa la afduubtay xilli ay hawada ku jirtay.

08:46

Diyaaradda AA11 ayaa ku dhacday North Tower, oo ka mid ah Daaraha Mataanaha ahaa ee Xarunta Ganacsiga Adduunka (WTC). oo ka koobnayd 110 dabaq.

weerarradii 9/11

Waxaa la ogaaday inuu jiro wareer buuxa.

Constance Labetti waxay wakhtigaas ka shaqaynaysay dabaqa 99-aad ee South Tower, waxay aragtay diyaaraddii ugu horraysay oo soo socota.

“Waxaan istaagay aniga oo barafoobay. Ma aanan dhaqaaqin, mana dhaqaaqi karin,” ayay tiri

Codkeedu wuxuu ka mid yahay kuwa badbaaday iyo qaraabada dhibbanayaasha oo lagu xusuusto weerarkii 9/11.

North Tower ee Xarunta Ganacsiga Adduunka
Qoraalka sawirka,North Tower ee Xarunta Ganacsiga Adduunka

Diyaaradda ayaa gashay dabaqa 93-aad ilaa dabaqa 99-aad ee dhismaha, waxayna isla markiiba dishay boqolaal qof.

Waxaa la rumeysan yahay inay sidoo kale dhammaan jaranjarooyinka dabaqa 92-aad ka dhigtay kuwa aan la geli karin – taas oo boqollaal qof oo kale xannibtay.

weerarradii 9/11

08:47

Madaxweynaha Mareykanka, George W. Bush, ayaa ku dhowaa inuu galo fasal ku yaal Dugsiga Hoose Emma E. Booker ee Sarasota, Florida, xilligaas oo lagu wargeliyay in “diyaarad yar” ay ku dhacday mid ka mid ah Daarraha Mataanaha.

Bush ayaa loo sheegay in aan weli la hayn xog intaas dhaafsiisan, oo uu sii wado qorshihiisii ​​ahaa in uu carruurta wax u akhriyo.

George W. Bush participates in a reading demonstration the morning of Tuesday, Sept. 11, 2001, at Emma E. Booker Elementary School in Sarasota, Florida.
Qoraalka sawirka,President Bush was initially told that the crash involved a small plane

08:56

Toban daqiiqo ka dib shilka koowaad, waxaa soo haray meelo yar oo ka mid ah dabaqyada sare ee North Tower oo ay dadka uga gabanayeen kulaylka, dabka iyo qiiqa.

Sawirada dadka soo dhacayay – ama boodayay – oo ilaa 300 mitir dhulka ka sarreeyay ayaa la arki karay.

09:01

Xarunta FAA ee hagista hawada ee New York ayaa ogaatay in diyaaraddii labaad, UA175, ay hawada soo gashay iyada oo aan cillad lahayn.

Balse waqtiga macluumaadka afduubka cusub ee suurtogalka ah uu gaaray FAA, waa goor dambe oo ay ku adkeyd in wax laga qabto.

weerarradii 9/11

09:03

Diyaaradda tirsigeedu ahaa UA175 ayaa ku burburtay South Tower ee WTC, oo ka soo dustay dabaqyada 77aad iyo 85aad.

Waa 17 daqiiqo oo kaliya ka dib shilkii ugu horreeyay ee ka dhacay North Tower ka dib.

Hawlgalkii badbaadinta ugu weynaa ee taariikhda New York ayaa markaas socday.

weerarradii 9/11

Si ka duwan diyaaraddii hore, diyaaradda UA175 ayaa hoos u dhacday shilka ka hor, iyada oo ka ilaalinaysa qaybo ka mid ah dabaqyada aan bartimaameedka ahayn.

Mid ka mid ah jaranjarooyinka dabaqaas ayaa ahayd mid la mari karay, laakiin soo degistu ma sahlanayn. Dabka, qiiqa, mugdiga iyo urta shidaalka ayaa mid adag ka dhigtay inay dadka naftooda la baxsadaan.

People run away as the North Tower of World Trade Center collapses after a hijacked airliner hit the building September 11, 2001 in New York City.
Qoraalka sawirka,Dad kala cararayay markii uu dumayay dhismaha Waqooyiga ee Xarunta Ganacsiga Adduunka.

09:05

Markaas Bush wuxuu weli hor fadhiyay ardayda 7-sano jirada ah, iyadoo Madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad, Andrew Card, uu si hoose ugu sheegayay warka ku saabsan inuu dhacay weerarkii labaad ee lagu qaaday Daarihii Mataanaha.

U.S. President George W. Bush listens as White House Chief of Staff Andrew Card informs him of a second plane hitting the World Trade Center while Bush was conducting a reading seminar at the Emma E. Booker Elementary School, in Sarasota, Florida, September 11, 2001.

09:24

Wax yar uun ka dib shilkii labaad ee Daaraha Mataanaha ah, American Airlines iyo United Airlines waxay qaateen go’aanka ah in aan mar dambe duulimaadyadooda ka duulin dalka oo dhan.

Ed Ballinger, oo ah maareeyaha taraafikada hawada ee United Airlines oo leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa go’aansaday inuu hal talaabo hore u socdo oo u digo duulimaad kasta maalintaas.

09:28

Diyaaraddi 3-aad ayaa la afdubtay, waxaana hogaaminayay Ziad Jarrah oo u dhashay dalka Lubnaan.

Weeraryahannada waxay ku celcelinayeen tabtii ay ugu hanjabeen rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradihii hore ee ahaa in bam ay haystaan oo ay qarxinayaan, waxayna ku andacoodeen in ay diyaaradda dib ugu celinayaan gegida diyaaradaha iyagoo qof walba u rarayay xagga dambe ee diyaaradda.

Dhanka dambe ee diyaaradda, dadka waxay bilaabeen inay ka wacaan eheladooda, taleefannadooda gacanta iyo taleefannada diyaaradda. Dhowr ka mid ah ayaa sheegaya in afduubayaasha aysan dhibsanaynin iyagoo arkaya in ay ku hadlayaan taleefanka.

Ugu yaraan 37 wicitaan ayaa la sameeyay.

Sidaas ayay ku ogaanayeen weeraradii daaraha mataanaha ahaa ee ka dhacay New York – eheladoodii ay wacayeen ayaa u sheegayay in taas mid la mid ah ay sugeyso haddii aysan sameyn wax fal celin ah.

09:34

Waaxda Caddaaladda ee Washington, iyo saraakiisha waxay hore u ogaadeen in diyaarad saddexaad la afduubtay.

Garyaqaanka Guud Theodore Olson ayaa warkan ka maqlay xaaskiisa Barbara, oo ku jirtay duulimaadka AA77.

An arrival board at the Los Angeles Airport 11 September 2001 displays cancelled flights around the nation as the attacks unfolded
Qoraalka sawirka,Sida loo wada hakiyay duullimaadyadii oo dhan.

09:37

Diyaaradda AA77 ayaa markaas lagu dhuftay derbiga galbeed ee Pentagon -ka.

Dhammaan 64 qof ee saarnaa waa la dilay, sidoo kale 125 qof ayaa ku sugnaa xarunta Waaxda Difaaca ee Mareykanka.

Tobaneeyo kale ayaa si xun u dhaawacmay.

weerarradii 9/11

In kasta oo wararka ku saabsan weerarada ay ku qotomeen dhacdooyinkii cajiibka ahaa ee ka dhacay Daarihii Mataanaha, shilkii ka dhacay Pentagon-ka ayaa xoogaa daboolay.

Madaxweyne Bush ayaa BBC-da u sheegay in markaas ay ahayd markii uu ogaaday in waddanka uu dagaal ku jiro.

“Diyaaradda koowaad waxay noqon kartay shil. Midda labaadna hubaal waa weerar. Midda saddexaadna waxay ahayd iclaamin dagaal,” ayuu yiri Bush.

Smoke billows after the hijacked American Airlines Flight 77 crashed into the Pentagon in Arlington County, Virginia, US

09:42

Ka dib weerarkii Pentagon -ka, FAA waxay soo saartay tallaabo aan hore loo arag, iyadoo ku amartay dhammaan duullimaadyada ganacsiga inay si deg-deg ah ugu degaan garoonka diyaaradaha ee ugu dhow.

Qiyaastii 4,500 oo qof ayaa degay.

Waxaa markaas jira cabsi laga qabay hal diyaarad oo weli hawada ku jirtay: Waa diyaaradda tirsigeedu yahay UA93, oo la afduubay,iyadoo raadaarkeedeedina la damiyay.

09:57

Hadda shaqaalihii iyo rakaabkii diyaradda UA93 waxay ogaadeen in ay halaagsami doonaan haddii aysan u dhaqaaqin sidii ay u joojin lahaayeen kuwa weerarka soo qaaday.

Alice Hoagland, oo ahaan jirtay mid ka mid ah shaqaalaha duulimaadka, ayaa laba farriimo oo cod ah u reebaysay wiilkeeda, Mark Bingham, oo saaranaa diyaaradda.

“Mark, waa hooyadaa, warka ayaa ah inay diyaaraddiina ay afduubteen argagixiso. Waxay qorsheynayaan inay malaha diyaaradda u adeegsadaan bartilmaameed ay ku garaacaan goob ka mid ah dhulka,” ayay ku tiri farriintii ugu horreysay.

Waxay ku celcelinaysaa talada farriinta labaad, iyadoo si boobsiis ah u hadlaysay:

“Waxaa jira hal duulimaad oo ay yiraahdaan wuxuu ku wajahan yahay San Francisco. Nabad-gelyo.”

Sida laga soo xigtay xogta loo gudbiyay dadka dhulka ku sugnaa, qof kasta oo saarnaa diyaaradda ayaa codeeyay oo go’aansaday in istaraatiijiyadda ugu wanaagsan ay tahay in lala dagaallamo kuwa weerarka soo qaaday.

09:58

Iyada oo cabsida sii socota ayuu Tower-ka Koonfureed dumay.

Waxay qaadatay 11 ilbidhiqsi oo kaliya in dhismaha oo dhami soo burburo.

Qof kasta oo dhismaha ku jiray waa la dilay iyo xitaa weliba kuwa kale ee taagnaa waddada iyo Hoteelka Marriott ee ku yaal dhismaha WTC.

The south tower of the World Trade Center collapses September 11, 2001 in New York City.
Qoraalka sawirka,It took only 11 seconds for the South Tower to come down

10:03

Muddo lix daqiiqo ah rakaabkii diyaaradda UA93 waxay isku dayayeen in ay galaan qolka diyaaradda si ay ula dagaallamaan afduubayaasha diyaaradda oo ay gacan ku haynteeda ula wareegaan.

Mararka qaar, Ziad Jarrah wuxuu sameeynayay inuu marba dhinac u rogo diyaaradda, isagoo isku dayaya inuu rakaabka khalkhaliyo halka afduubaha kale uu albaabka xirayay.

Waxay weli 20 daqiiqo u jiraan bartilmaameedkooda, oo ah Washington, DC.

weerarradii 9/11

Mid ka mid ah afduubayaashii ayaa ku qayliyay, “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar”.

Markaan rakaabka weli way sii wadaan weerarkooda, diyaaraddana waxay ku dhacday meel bannaan oo ku taalla Shanksville, Pensylvania, iyadoo ku socota xawaare ka badan 930 km/saacaddii.

Majirin hal qof oo ka badbaaday burburka diyaaradda.

Aqalka Cad ayaa dhowr daqiiqo qaatay iyadoo aan la ogeyn in diyaaradda ay soo rideen militariga iyo in kale.

Militariga wuxuu haystay amarro ah in diyaaradda la soo rido si looga hortago inay gaarto bartilmaameedka oo la rumeysan yahay inay tahay Aqalka Cad ama dhismaha Capitol.

Waxaa tirada guud ee ku dhimatay weerarka ay tahay 2,996 qof – marka laga reebo 19 -kii afduubayaasha. Weerarradii 9/11 waxay ahaayeen kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca ciidda Mareykanka.

weerarradii 9/11

Waxay kaloo calaamad u tahay khasaaraha ugu weyn ee shaqaalaha samatabbixinta ee taariikhda Mareykanka. Magaalada New York oo keliya, 343 ka mid ah dhimashadu waxay ahaayeen dab -demiyeyaasha.

Intaa waxaa dheer, ilaa 400,000 oo qof ayuu sameeyn ku yeeshay weerarka. Cawaaqibkii ka dhashay weeraradii 9/11 wali waa la dareemayaa ilaa maanta.

Baacsigii Maraykanka ee Osama Bin Laden ayaa horseeday duulaankii lagu qaaday Afgaanistaan, halkaas oo al-Qaacida gabbaad ka dhigatay dhigay, sannadkii 2001-dii.

Caqiidada ‘dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ee Madaxweyne Bush ayaa markii dambe horseeday duullaankii Ciraaq ee 2003.

Labaatan sano ayaa ka soo wareegtay weeraradaas. Ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan toddobaadyadii ka horreeyay sannad -guurada waxaa ka muuqday rabshado iyo jahwareer hor leh.

Taliban ayaa mar kale ku soo noqotay awoodda. Hawlgalkii Mareykanka ee Afgaanistaan ​​si rasmi ah ayaa loo soo afjaray.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here