Dawlada Federalka Somaliya oo la filayo inay ka qaybgasho gebagebada nabadeynta Jigjiga ee Beelihii ku dagaalamay K Sool

khayre qardho9

Xybno ka socda Dawlada Federalka Somaliya ayaa la filayaa inay ka qayb galaan gebagebada nabadeynta Beelihii ku dagaalamay Koonfurta Gobolka Sool oo hada ka socota Caasimadda Dawlada Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

Colaadan oo ay boqolaal qof dhimasho iyo ku noqdeen ayaa waxaa gurmad iyo Dhiig joojin u sameeyey adaxweynaha Kilinka 5aad Mustafe Maxamuud Cumar, isagoo deeq gaadhsiiyey dadkii colaadaas ku barakacay, taasoo shacabka SSC ay lib iyo abaal ugu hayaan.

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo aan xil weyn iska saarin boqolaalka qof ee colaadaani galaafatay iyo kumaanka qoys ee ku barakacay, ayaa la filayaa inay gebagebada nabadeynta ay ka soo qayb galaan masuuliyiin metelaya.

Colaada Dhumay iyo sida ay Somaliland ugu digigixan ayaa ah arin aanay ilaawi doonin shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxayna saameyn doonta xidhiidhka mustaqbalka, iyadoo iska gurmad kale ee aanay kiilo taakulo ah ku darsan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.