Dawlada Itoobiya oo shacabka Tigrayga ugu baaqday inay caasimada isaga baxaan

doorasho tigree

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda Mekelle inay isaga baxaan magaalada si ay ugu fududaato inay la dagallamaan ciidamada TPLF.

Ridwaan Xuseen wuxuu sheegay in wakhti uu gabaabsi yahay maadama lagu dhaw yahay xilligii loo qabtay madaxda TPLF inay isa soo dhiibaan kuwaas oo haatan gacanta ku haya dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla gobolka.

Dhanka kale, madaxweynaha gobolka Tigray Dr Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in shacabkiisa ay doorbidayaan inay dhintaan intii ay isa soo dhiibi lahaayeen.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in guulo ay ka gaartay dagaalka isla markaana ay kusii siqayaan caasimadda.

Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay inay iska ilaalineyso in lagu dul dagaallamo nus malyanka qofka ee ku nool caasimadda Tigray.

Iyadoo ay weli jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya xogaha rasmiga ah ee ku saabsan dagaalka socda, haddana labada dhinac uu dagaalka dhex marayo waxay warbaahinnadoodu ka baahiyaan dacaayado dagaalka salka ku haya.

In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here