Dawlada Soomaaliya iyo Bankiga Aduunka oo kala saxiixday $80 Milyan

maaliyada somalia iyo bankaduunka

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa maanta si wada jir ah u saxiixay $80 oo ah qaybtii hore ee mashruuca bank-ga adduunku uu dawladda Soomaaliya ku abaalmariyay.

Wasiirka maaliyadda XFS ayaa sheegay in Bank-ga adduunku uu aad usoo dhaweeyay hannaanka dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga shaqeeyeen hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaalmariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Hoos ka daawo Muuqaalka Wasiirka Maaliyada Soomaliya oo Faah-Faahin ka bixinaya waxa lacagtan lagu qaban doono.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.