Dawladaha Sucuudiga iyo Soomaaliya oo gaadhay heshiis ka dhan ah Somaliland

farmaajo iyo salmaan

Dawladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa wada hadal yeeshay ka dib markii xayiraada laga qaaday markabkii xoolaha siday ee ka baxay magaalada Berbera.

Sida ay sheegayaan wararku, wadahadalka dhexmaray Soomaaliya iyo Sucuudiga ayey iskula meel-dhigeen go’aano ka dhan ah Somaliland oo ay si wadajir ah u gaadheen.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka shiraacday Dekedda Berbera Somaliland oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo u xanibnaa ruqsad Caafimaad oo ay leedahay Dawladda Federalka Somalia.

Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiga ee Xoolaha la wareegayay.

Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sida aan ku ogaanay warbixin rasmi ah, Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen, inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aanay ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay.

Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi.

Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan.

Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Somaliland iyo Soomaaliya.

XIGASHO HADHWANAAG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here