Degaamo ka tirsan Buuhoodle oo roobsaday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya deegaano ku xeeran magaalada Buuhoodle oo Roobab xoogan ay ka da’een, Kuwaasi oo  xiligan ay ka Jireen Abaaro Daran, Waxaana kamid ah deegaanada Xalay Roobsaday.

Deegaanka Dan-Dan oo Buuxsamay,  Sarmaan  iyo  Banyaal oo  Roob Fiican helay, Sidoo kale Deegaanada Xamar lagu xidh, Carro-wayn,  Dhilaalo,  Geeddheer,  Saaxdheer, Dhallaama-cune  iyo Balicad ayaa kamid ah deegaanada uu Roobku helay.

Dhinaca kale Waxaa jira deegaano dhaca  hawdka Buuhoodle oo Roobabku heleen, Iyadoo Horay aad dad badan ugu Hayaameen deegaanka Heegaalle oo horay u buuxsamay.

Waa maalmo Khayr leh Alle ayaynu uga Baryaynaa Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed  inuu u naxariisto.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.