Deni oo joojiyay daabacadda shiling Soomaaliga ee Puntland lagu sameyn jiray

siciid deni2

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amray, in la joojiyo daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga ah ee lagu farsameeyo degaannada Puntland.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha cusub, oo lagu socod-siiyay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee dowladda, ayaa madaxweynuhu ku joojiyay, daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga nooc kasta oo ay tahay.

Dikreetada waxaa ku xusan, in go’aankan loo qaatay, si kor loogu qaado nolosha shacabka reer Puntland, islamarkaana loola dagaallamo sicir bararka.

Mudane Deni ayaa tan iyo markii la doortay soo saaray, dikreetooyin xiriir ah oo dhammaantood cinwaan looga dhigay ereyga“joojin“,waxaana go’aannadan u badan yihiin dhinaca maaliyadda.

joojin daabacaad shilin

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.