DF iyo safiirka Shiinaha oo kulamo yeeshay

Mr Qin Jian china amb

Wasiirka Gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulantay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr Qin Jian.

Kulankaan ayaa u daarna mahad-celin ku aadan mowqifkii ay dowladda Shiinaha dhawaan ka qaadatay xiisada doorashada, midaasi oo ay si weyn ula dhacday Dawladda Soomaaliya.

Wasiir Khadiijo ayaa Safiirka Shiinaha la wadaagtay bogaadinta madaxda sarre, ayada oo uga mahadcelisay dhowrista madaxbanaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday kaalinta Shiinaha ee howlaha gar-gaarka bani-aadanimo, waxayna wasiiraddu ka dalbatay Safiirka kordhinta taageerada ay siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii hore ee March barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal ay ku sheegtay inay dhowrayso madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay taageerayso horumarka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka.

“Dowladda Shiinuhu wuxuu ixtiraamayaa madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haddey noqoto mid dhuleed iyo siyaasadeed, waxaana si adag u taageereyna nabada, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, anaga oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa xiligaas waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo banaanka keentay la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here