Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kala dirtay guddiyadii doorashada heer federaal iyo heer goboleed, iyo guddiyadii xalinta khilaafaadka ee lasoo dhisay kadib heshiiskii doorasho ee 17-ka September, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu 12 bishan ansixiyey xeer cusub oo dalka loogu jihaynayo doorasho qof iyo cod ah, mudo 2 sano gudahood ah, taasoo masuuliyada dib loogu ceshay guddigii doorashada ee Xaliimo Yarey.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxda guddiyadan, kadib markii uu maanta u yeeray ra’iisul wasaare Rooble inay xafiiska yimaadaan, si loola kulmo.
Mahdi Guuleed ayaa xubnaha u sheegay in la kala diray, wuxuuna uga mahad celiyay wax uu ugu yeeray “dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.”