Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degtay diyaarad ay leedahay hay’adda cuntada Aduunka ee WFP, taas oo sidday talaalka cudurka Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.
Tallaalkan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortagga xanuunka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.
Xogta tallaalkan & keenistiisa ayaa waxaa horey bulshada ula wadaagtay wasaaradda caafimaadka oo ku howlan la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.
Sidoo kale waxaa munaasabadda ay dowladda kula wareegtay tallaalkan ku sugnaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Meelaha talaalka la geyn doono waxaa ka mid ah isbitaalka Martiini oo loo gaar-yeelay la tacaalida dadka uu soo ridday xanuunka Covid-19.
Talalaanka oo lagu magacaabo Astrazaneca ayaa waxaa soo saartay jaamacadda Oxford ee dalka Mareykanka.
Dhimashada cudurkan & dadka uu soo ridanayo ayaa beryihii dambe sare u kacday, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay soo rogtay xayiraado hor leh.