DF oo shaacisay in cudurka Coronavirus uu bulshada Muqdisho ku dhex faafayo

Coronavirus2

War-Saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in cudurka Coronavirus uu ku faafayo gudaha dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ilaa afar kiis oo cusub ayey shaacisay wasaaraddu “Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19, taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12 kiis” ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Qoraalka wasaaradda waxaa lagu sheegay bulshadu aysan ka digtooneyn cudurka, taas oo ka liftay in si fudud ay isku qaadsiiyaan.

“ Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)”

Afarta ruux ee maanta laga helay cudurka Coronavirus ee wasaaraddu shaacisay dhamaantood waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in aysan dalka meelna uga bixin.

Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda ay ka mid yihiin dadka laga helay xanuunkan.

“Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka waxa ay qoraalkan ku xaqiijisay in qofkii ugu horeeyey uu galabta cudurka Coronavirus ugu geeriyooday gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaas oo aan dalka meel uga bixin.

“Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa”ayaa lagu yiri qoraalka

Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay in ay ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen dadkan cusub ee laga helay cudurka, iyaga oo ku sugan gudaha dalka oo aan sameyn wax safarro dibadda ah.

“ Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here