DF oo shaacisay in kiisaska dhimashada iyo kuwa cusub ee Coronavirus ay kordheen

Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay kordheen dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyey.

Wasaaradda ayaa sheegtay in laba qof oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 41 xaaladood oo cusubna ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur oo kamid ah guddiga kahor tagga COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in deegannada dowlad gobaleedka Galmudug laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah.

Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 40-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 10-nna waa haween.

“Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 qof, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here