DF oo shaacisay in wiilka Mahad Karataay iyo sarkaal kale oo sare oo la dilay

ciidamada somalia

Wararka laga helayo Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay howlgallo ballaaran ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kuwaas oo Al-Shabaab looga dilay laba sarkaal oo sare.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Mareykan ah ay ka sameeyeen deegaanka Sablaale oo ay gacanta ku hayaan Xooggaga Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dagaalyahannada ay dileen uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo ay horay Kenya u dul saartay madaxiisa lacag dhan labo milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Cumar Mahad Karataay oo Al-shabaab u qaabilsanaa Taakulaynta Ajaanibta ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamadu.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in Cumar Mahad Karataay uu ahaa wiil uu dhalay Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka waday Shabeelaha Hoose, iyagoo dagaalyahannada Al-Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo ay ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here