DF oo shaacisay inay ku wajahan tahay magaalo uu haysto Axmed Madoobe

gorgor xuduudka beledxaawo6

Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda federaalka Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugu hanjabay maamulka Jubbaland ugu magacaaban degmada Ceelwaaq oo uu ku tilmaamay “hoos-joogayaa daba-dhilif u ah Kenya”.

Sidoo kale guddoomiye Macalimow ayaa shacabka ku nool degmada Ceelwaaq oo ah halka degmo ee Jubbaland ay ka maamusho gobolka Gedo, waxa uu ku amaanay dowlad jaceyl, isagoo u balan qaaday in mar dhow ay gaari doonaan isaga iyo saraakiisha milateriga Soomaaliya, sida uu ku shaaciyey qoraalkan.

“Waxaan shacabka wadaniyiinta ah ee Ceelwaaq uga mahad-celinayaa adkaysigooda, dhiiranaantooda iyo dowlad jacaylkooda, waxaan marnaba ilaawi karin sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen maamulkooda,” ayuu yiri.

Qoraalka Macalimow ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si rasmi ah ugu ballanqaadaynaa in xilli aan fogeen laga ridi doono heer-yada gumaystaha, Maamulka Gobolka Iyo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed-na ay soo gaari doonaan degmada Ceelwaaq haddii Rabbi Idmo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu digniin u dirayo masuuliyiinta Jubbaland ee maamusha degmada Ceelwaaq, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ka ganacsada dhiigga dadkooda, sidoo kale waxa uu ugu baaqay inay ku soo biiraan dowladda.

“Waxaa digniin culus u dirayaa hoos-joogayaasha daba-dhilifka u ah Kenya, kuwaasi oo caadaystay ka ganacsiga dhiiga shacabka Gedo in ay ka waan-toobaan ficillada uurku-taalada ah ee ay shaqada ka dhigteen, waxaana ugu baaqayaa in ay isku soo dhiibaan Dowladooda oo ay ka faa’iidaystaan fursadaan, haddii kale waxay la kulmi doonaan jawaab u qalanta dambiyada ay Qarankooda ka galeen,” ayuu ku yiri qoraalkan oo bartiisa Facebook-ga uu ku shaaciyey guddoomiye Macalimow.

Dhanka kale guddoomiyaha Gedo ee dowladda federaalka waxa uu ku sheegay qoraalkan in xiriiro ay la sameyeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya u qaabilsan xaduudda kadib ay ku guuleysteen in ciidanka Kenya dib usoo celiyaan qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ay ka afduubteen degaanka Yado 23-kii bishii hore September.

Sidoo kale waxa uu balan qaaday guddoomiye Cismaan Nuux Xaaji Macalimow in maamulka gobolka Gedo uu gobolkaas u ballanqaadayo in aan halkaas looga hari doonin “taxanihii gabood-falladii isugu jiray dilka xariga, af-duubka, barakacinta, Iyo burburinta naf iyo maal wixii loo gaystay shacabkeena, waana arrin lagala xisaabtami doono dowladda Kenya iyo cid kasta oo qayb ka ahayd Insha Allaah” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here