DF oo shaacisay inaysan jirin taliyeyaal ciidan oo la bedelayo

0
Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey

Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda, taasi oo muddo aheyd dalab ay ku dheganayeen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku eedeeyeen inay bixiyeen amaro lagu weeraray qaar ka mid ah musharxiinta madaxweynaha. 

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiskii lala galay mucaaradka ee lagu soo afjaray xiisaddii Muqdisho aanu ku jirinin la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

“Taliyeyaal la bedelayo heshiiska kuma jiro. Taasina waa mid u taalo maamulka ra’iisul wasaaraha. Haddii ay ku timaado talo kale waa meesheeda. Qodobada aan ku heshiinay waa tobban qodob, waana cad yihiin,” ayuu yir Xundubey.

“Waxa magaalada laga saarayo ee lagu heshiiyey waa ciidan kasta oo kusoo galay xiisaddii ka dhalatay muddo kordhinta,” ayuu yiri Xundubey. 

Hadalka Xundubey ayaa meesha ka saaraya rajo laga qabay in Rooble uu beddelo qaar ka mid ah taliyayaasha kadib markii uu la wareegay amniga doorashada. Rooble oo dhowr maalmood ku maqnaa Cumrada ayaa shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu guda galo howlaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here