DF oo shaacisay inuu hoos u dhacay dhaqaalihii soo geli jiray

beyle

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiaxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inuu hoos u dhacay dakhligii soo gali jiray dowladda federaalka sababo la xiriira cudurka coronavirus.

Wasiir Beyle ayaa arrintan ka sheegay shir dhanka internetka (Video Conference) uu uga qeybgalayey shir looga hadlayey ka hortaga cudurka COVID-19 iyo saameynta uu ku yeelan karo Dhaqaalaha Gobalka ayuu kaga hadlay xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida uu cudurkaas uu sameyn ugu yeeshay.

Shirkan oo ay shir gudoomineysay Marwo Kristalina Georgieva oo ah agaasimaha guud ee hay’adda lacagta aduunka ee IMF, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirada Maaliyadda iyo Agaasimayaasha Bangiyada dhaxe ee dalalka Bariga dhaxe, waqooyiga Africa, Afganistaan iyo Bakistaan, kuwaas oo ku mideysan ururka dhaqaalaha ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (MENAP).

Beyle ayaa qudbad uu ka jeediyey shirkaas waxaa uu tilmaamay inay muuqato saameynta hordhaca ee uu xanuunka COVID-19 ku yeeshay Dhaqaalaha Soomaaliya.

“Cudurka safmarka ah ee Covid 19 waxa uu Soomaaliya u saameeyay si aan horay loo arag, sida dalalka kale, waxaan wajaheynyaa xaalad aan kala caddeyn, waxaase naga go`an inaan sii wadno iskaashiga dadkeenna, bahwadaagta caalamka iyo Hey’adaha Maaliyadeed ee dunida, si aan u xaqiijino  dhimista  saameeynta waxyeello ee cudurka COVID-19” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle.

Wasiirka Beyle ayaa sharaxay sida cudurka u saameey illaha dhaqaallaha dalka oo u xusay hoos u dhaca canshuuraha laga heli jiray furdooyinka dalka iyo wax soosaarka gudaha madaama aaney jirin dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoogan.

Korarka shaqo la’aanta iyo caqabadaha ay xiligan la kulmayaan Xawaaladaha Soomaaliyeed oo ay ku tiirsaneyd nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo kaalmo ka heli jiray ehaladooda ayuu sheegay wasiirku inay qeyb ka tahay Saameynta muuqata ee Soomaaliya kala kulmeyso Xanuunka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here