DF oo shaacisay liiska Jaamacadaha dalka ee ay aqoonsan tahay

astaanta soomaaliya

Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta markale soo saaray liis cusub oo ay ku shaacineyso 63 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

Qoraal Wargelin ahaa oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas ay xaq u leeyihiin inay howshoodii waxbarasho ee ay bulshada u hayeen wali sii wadi karaan, kuwaasi oo hore looga reebay liis ay wasaaraddu ku shaacineysay jaamacadaha ay aqoonsan tahay.

“Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare waxuu ku Wargelinayaa Jaamacadaha hoos ku xusan, Waalidiinta iyo Ardayda Jaamcadaha in Jaamacadahaani heystaan Ruqsadda iyo Diiwangelinta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xaqna ay u leeyihiin in ay howshoodi Waxbarsho ee ay bulshadda u hayeen wali sii wadan karaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

Waxaa xusid mudan in Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya uu 19-kii May soo saaray liis uu ku shaacinayo 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu, kuwaasi oo xiligaas kasoo gudbay wajiga 1-aad ee qiimeeyntii.

Guddiga Qaran ee Tacliinta Sarre ayaa bilihii lasoo dhaafay waday hubinta jaamacadaha, hase yeeshe waxaa soo baxeysa in jaamacadihii hore u haystay ruqsada wasaaradda markale la siiyey, ayada oo aan la ogeyn hanaanka uu guddiga u maray hubinta tayadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here