DF oo shaacisay tirada Shabaab looga dilay dagaalkii ay shalay kula galeen Bacaadweyne

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug, iyadoo ugu horeyn bogaadisay shacabka ku nool deegaankaas oo si adag isaga caabiyey Al-Shabaab, kadib markii ay ka taag roonaadeen ciidankii dowladda ee halkaas ku sugnaa.

“Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda  argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Warkan waxaa lagu sheegay in wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe uu Taliska ciidanka xoogga dalku u xaqiijiyay in Al-Shabaab weerarkii ay ku qaadeen Bacaadweyne looga dilay 51 dagaalame, isla markaana looga qabtay lix qof oo dhaawac ah, kuwaas oo uu ku jiro ninkii weerarka hogaaminayay.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku qaadeen Bacaadweyne uu tusaale cad u yahay “in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan si fudud lagu joojin karo weerarrada Al-Shabaab.”

Sida lagu sheegay qoraalkan, warbixinta saraakiisha dowladdu siiyeen wasiir Dubbe waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weerarkaas ku dileen 15-qof oo isugu jira askar iyo shacab.

“Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray  ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka  go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here