DF oo shaacisay xilliga lagu dhawaaqayo guddiyada doorashooyinka dalka?

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaacisay xiliga la filayo in lagu dhawaaqo guddi doorashada oo qeyb ka ahaa go’aanadii shirkii Muqdisho, isla markaana ay soo wada xulayeen dowladda federaalka iyo maamulada dalka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in bisha November oo ay naga xigto hal maalin ay guddo geli doonaan dhameystirka guddiyada doorashada, taasi oo ka dhigan in bilowga bishaasi lagu dhawaaqayo guddigaasi.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inay weli jiraan qaar kamid ah Maamul goboleedyada oo aan soo gudbin xubnaha ku matalaya guddiyada heer dowlad goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca ku yimid dhameystirka guddigaasi ay tahay mid farsamo, maadama heshiiskii doorashada ee la gaaray uu qorshuhu ahaa in 10-ka bisha Octoober la dhameystiro guddigaasi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda dhankeeda ay diyaar ka yihiin xubnaha guddigaasi ku mateli lahaa, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan ay dhameystiri doonaan guddigaasi oo qeyb ka ahaa heshiiskii doorashada ee lagu garay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here