DF oo SHATIGA duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda Jubba Airways

jubba airways

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi shalay ka degtay magaalada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan hey’adda duulista hawada ayaa in xaqiijiyay arirntaan, sidoo kale xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay xildhibaan Xasan Macalin ayaa ku soo daabacay bartiisa Facebook-ga warkan.

Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.

Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddii tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo madaxweynayaal ka soo noqday maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo tiro xildhibaano ah ayaa la socday diyaaradaas, kuwaas oo socdaalka ay ku tageen Kismaayo ay siyaasiyiin badan ku tilmaameen is-miidaamin siyaasadeed.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale, dowladda Soomaaliya ay hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay shalay ka degtay magaalada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay waraaq u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here