DF oo war kasoo saartay aflagaadadii loo geystay Nebiga NNKH iyo Islaamka

astaanta soomaaliya

 Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay aflagaadadii loo gaystay Nebiga NNKH iyo diinta Islaamka, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay magacowdo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo aflagaadadan ku kacan.

Macron ayaa Arbacadii hore cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.”

“Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku boorrinayso hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here