DF oo xaqiijisay in maanta Muqdisho ay dad kale ugu geeriyoodeen Coronavirus kuwo badanna laga helay

Foosiyo Abiikar Nuur

Dowladda Soomaaliya ayaa caawa xaqiijisay in ay geeriyoodeen seddax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku haleelay cudurka COVID-19, waxayna gaartay tirada guud ee dhimashada shan qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale maanta la diiwaan geliyay 20 xaaladood oo cusub.

Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyay dalka oo dhan ayaa hadda gaartay 80 xaaladood oo Coronavirus ah, ayada oo ay muuqato in cudurka uu sii fidayo.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa mar kale ka dalbatay bulshada in ay si saxan u qaataan talooyinka caafimaadka, kuwaas oo ay sheegtay in qofka ay ka kaalmeyn karaan in uu ka badbaado cudurkan.

Ugu dambeyntii waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo in dadaal xoog leh ay ugu jiraan sidii loo xakameyn lahaa cudurka COVID-19 uu haatan u muuqda mid si xowli ah bulshada ugu sii dhex faafaya.

Halkan ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here