DF: Qof kasta oo geeriyooda waxaan u aqoonsannahay inuu dilay cudurka Covid-19

wasiir maareeye

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Covid-19 ayaa sheegay in xanuunka uu yahay mid aan la yareysan karin, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo.

Maareeye ayaa tilmaamay in kiisaska cudurka Coronavirus maalin kasta ay isa soo tarayaan, taasina ay muujineyso halista uu cudurkaan ku hayo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka qof kasta oo dhinta maanta ay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sababta ku sheegay in dadka dhimanaya maanta ay badankood  u geeriyoonayaan cudurkan saf-marka ah ee Corona.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Qandha oo dhan ay tahay Coronavirus, isagoona ugu baaqay dadka inay ka fogaadaan qof-kasta oo Qandheysan.

“Wuxuu dhahayaa qofka Malaariyo ayaa i heyso, Cagaarshow buu u dhintay dowladda Soomaaliya qof-kasta oo dhinta maanta waxay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, maadaana uu yahay majority -ga ugu badan.” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu badan ee kiisaska Coronavirus laga helay ayaa waxaa jira dad badan oo xanuunsan, islamarkaana sheegaya inay isku arkeen astaamo u eg kuwa Covid-19-, sida qandho, qunfac, kor xanuun iyo urta oo ka maqan, kuwaas oo hadana aan tagin gooba caafimaadka, si loogu saameeyo baaritaan guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here