DF Somalia oo cambaareysay qarax dad badan ku dhinteen oo shalay ka dhacay Ciraaq

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay qaraxyo ismiidaamin oo shalay ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasi oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Xukuumadda ayaa qaraxyadaas ku tilmaamtay kuwo fuleynimo leh oo lala beegsaday suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaala fagaaraha duulimaadka ee bartmaha caasimada Ciraaq ee Bagdaad, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda.

Sidoo kale waxa qoraalkaas lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la dareemayso dhibtaada ay xagjirku u geysteen shacabka Ciraaq, iyadoona uga tacsiyadeysay qoysaska dhibanayaasha, halka dhaacawa ay u rajeysay kasoo kabasho deg-deg ah.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri: “Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taaggantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo.”

“Waxay muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho deg-deg ah.”

Qaraxan oo ismiidaamin ahaa ayaa shalay ka dhacay caasimadda Ciraaq ee Baghdad, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 32 qof, halka ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Waxa uu Bartilmaameedka qaraxaas ahaa Shiicada Muslimiinta ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay wakaaladda wararka kooxdan Sunniga ah ee Amaq.

Waxay noqonayaan qaraxyadii ismiidaaminta ee ugu cuslaa Baghdad muddo saddex sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here