DF Somalia oo go’aan adag ka qaadatay doorshada Jubbaland kuna dhowaaqday shir

Sabriye

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta go’aanno cusub kasoo saartay doorashooyinka Jubaland, xilli maanta halkaas lagu doortay guddoon cusub oo baarlaman.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhammaan doorasho kasta oo ka dhacday Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, maadaama ay “baal marsan tahay dastuurka federaalka iyo habraaca wasaaradda arrimaha gudaha.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in laba sabab ay ku diiday sax ahaanshaha doorashooyinka Jubaland, oo mid ay tahay; habraaca soo xulista liiska odayaasha dhaqanka oo aan waafaqsaneyn diiwaanka wasaaradda, iyo tan labaad oo ah, inaan dariiq sharci ah loo marin soo xulista golaha wakiilada Jubaland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku baaqday shir dib-u-heshiisiin dhab , oo ay ka qeyb-galaan dhammaan dhinacyada Jubaland, “si looga fogaado qalalaase iyo xasilooni darro ka dhacda deegaanada dowladda goboleedka Jubaland.”

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here