DF Somalia oo Hal milyan ugu deeqday dhibaatadii ka dhacday Qardho

daad qardho1

Dowladda Federalka Somaliya ayaa lacag dhan Hal Milyan oo doolarka Mareykanka waxa ay ugu deeqday Maamulka Puntland, gaar ahaan fatahaada ka dhacday Magaalada Qardho.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa xaqiijiyey in ay gudoomeen aduun lacageed dhan hal milyan oo Doolar oo ka timid xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Xasan oo u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in lacagtaas oo lagu shubay akoonka dowladda loogu talagalay siddii loogu gargaari lahaa shacabka ku ceeyroobay daadadkii Qardho.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaas lagu wareejin doono mid kamid ah akoonadda laga furay Bangiyadda gaarka loo leeyahay ee loo sameeyay gurmadka xarunta Karkaar.

“Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda federaalka lacagtaas ay nasoo gaarsiisay, in ka badan waan fileynaa in ay nasoo gaarsiin doonto,” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka Maaliyadda Puntland.

Dhanka kale, qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga faaloodey lacagta loogu gurmanayo magaalada taariikhiga ah ee Qardho.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho,” ayaa lagu yiri.

Inkastoo hadda xaaladda Magaalada Qardho ay tahay mid soo hagaageysa, kadib daadadkii ku dhuftay Magaalada, haddana Bulshadii ku khasaartay daadadka ayaa u baahan xaalad gurmad muuqda.

Inta la xaqiijiyay daadadkii habeen hore ku rogmaday Xaafadaha Magaalada Qardho ayaa waxaa ku geeriyooday 6 Ruux halka ay ku hanti beeleen Boqolaal qoys sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Qardho.

Shacabka Somaliyed ayaa u istaagay muujinta Kaalinta gurmadka shacabka reer Qardho ee maanta u baahan caawinta walaalahooda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here