DF Somalia oo M Goboleedyada ku eedeysay dib u dhaca doorashada

astaanta soomaaliya

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlayey Telefishinka Universal ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka.

Dubbe ayaa si gaar ah uga hadlay dib u dhac ku yimaada doorashada, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya, wuxuuna eeda ugu weyn dusha ka saaray qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay la soo daaheen soo dirista xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka dalka.

“Wax kasta oo gaabis ah oo yimid xagga xukuumadda kama imaan, waxay ka yimaadeen maamullada qaar oo aan soo dirsan gudii\yada waqtigii loogu talagalay,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaaka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cabaqada labaad ee dib u dhaca keentay inay tahay soo dhisida xukuumadda iyo la wareegida howlaheeda shaqo oo uu hoosta ka xariiqay inay ka dambeeyeen heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Ugu dambeyn wasiira Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka ay ka go’an tahay sidii ay dalkan uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Doorashada soo socota oo isugu jirta tan iyo baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa waxaa hareeyey buuq siyaasadeed, iyadoona haatan ay dood adag ka taagan tahay dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka oo ay walaac ka muujiyeen musharraxiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here