DF Somalia oo shaacisay in dadkii ugu badnaa laga helay cudurka Coronavirus

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah 24-kii saac ee ugu dambeysay. Waa tiradii ugu badneyd ee 24 saac la diiwaan-geliyo.

32 ka mid ah Xaaladaha cusub waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hargeysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.

Sida ay sheegtay Fowsiya, 52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay, waxa ayna ku karantiilan guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.

Soomaaliya ayaa waxaa inta la ogyahay cudurka ugu geeriyooday laba qof, hase yeeshee warbixinta cusub ee caawa soo baxday ayaa muujineysa in cudurka uu si xooggan ugu faafayo bulshada, loona baahan yahay inay maqlaan talooyinka loo jeedinayo.

Hoos ka daawo wasiir Fowsiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here