DF Somalia oo shaacisay in dhacdadii Muqdisho ay cadeyneyso in Shabaab ay bedeshay xeeladdii dagaal

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay beddeleen habkoodii dagaalka, kadib markii “guul-darrooyin xooggan ay kala kulmeen” Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna caddeyn u tahay dhacdadii habeen hore ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii habeen hore ka dhacay jidka dheer ee Isgoyska degmada Heliwaa uu ahaa miino macmal ah oo ku qaraxday Al-Shabaabkii halkaas ku aasayey.

“Xeeladahan ay miinooyinka ku aasayaan jidadka ayay argagaxisadu u tahay ololahooda dagaal ee ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Maadaama awoodda argagaxisadu sii daciifayso, oo aysan wajihi karin dagaal toos ah oo ay la galaan Ciidanka Xoogga Dalka ayay maciin badeen habkan daciifninada ah ee ay jidadka shacabka isticmaalo ugu aasaayaan miinooyin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in “guuliihii looga adkaaday argagaxisada Al-Shabaab ee magaalooyinka muhiimka ah ee Jannaale, Mubaarak , Awdheegle iyo qaar kale ayaa gayaysiiyey in ay falalka noocaan ah ku qariyaan jabkooda.”

Ugu dambeyn dowladda ayaa sheegtay inay cambaareynayso falalka noocan, oo ay ku qeexday mid “fuleynimo ah.”

Bilihii dhowaa waxaa aad u yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii kooxda Al-Shabaab ay ka fulin jirtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayada oo xiritaanka jidadka iyo feejignaanta ciidamada amniga ah u muuqdaan kuwa hor-istaagay Shabaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here