DF Somalia oo shaacisay war wanaagsan oo la xiriira bogsashada bukaanada Covid19

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa shaacisay inay soo kordhayaan bukaanada kasoo bogsanaya cudurka COVID-19.

Wasiir Fowsziya, ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in saacadihii  u dambeeyay ay xanuunka Coronavirus ka soo bogsooseen 11 qofood, taasi oo ah tiro badan marka loo eego maalmihii hore.

Tirada guud ee dadka laga waayay kiisaska Coronavirus ayaa gaartay 163 oo ka dhigan inay xanuunkan ka reysteen in ka badan 11% guud ahaan dadkii uu ku dhacay Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18, gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle 2. Xaaladaha cusub, 21 kamid ah dadkaas waa rag, halka 13-ka kale ay dumar yihiin.

Hal qof ayaa saacadihii u dambeeyay xanuunka Coronavirus ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya, waxaana tidara guud ee geeridu gaartay 57 qofood.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,455 xaaladood, dhimashada guud ee uu sababay xanuunka Corona ayaa gaartay 57 qofood, inta la ogyahay, halka 163 qofood oo kale ay kasoo bogsadeen.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka feyruska Corona si looga guuleyso cudurkan saf-marka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here