DF Somaliya oo ciidamo horleh ka dejisay gobolka Gedo

kumaandoos gorgor

 Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh oo ku hubeysan Hub culus ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaasi oo ka tirsan Millateriga sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor.

Ciidamadaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta gobolka Gedo, taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo, Bakool Kooke iyo Saraakiil kale oo ka tirsan millateriga Soomaaliya.

Diyaarad gaar ah ayaa ka dejisay ciidamadan oo ku gaashamaan qoryaha culus iyo gaadiidka dagaalka, xili ay deegaanada gobolkaas laga deyrinayay xaalada bini-aadanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here