DF Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut

Qarax beirut

Sii hayaha xil-ka ra’iisul waaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo telphone kula hadlay ra’iisul wasaaraha dalka Lubnan, Xasan Dayib ayaa uga tacsiyeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut.

Mahadi Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga murugsan tahay musiibada ka dhacday dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda reer Lebanon.

“Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut Lebanon dhaliyay,waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in ilaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin,Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lebanon”. ayuu yiri sii-hayaha xilka raiisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Lubnan ayaa gashay xaalad Musiibo ah, kadib markii qaraxyo ka dhashay ammonium nitrate ku keydsaneed Bakhaaro ku yaalla Dekedda Dalkaas labo qarax sameeyeen, sida uu warbaahinta u sheegay madaxweynaha dalkaas Miishal Cown (Michel Aoun).

Xaaladda Beirut ayaa weli aad u kacsan, waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka dhaawacyada ah oo buux dhaafiyay isbitaallada waa weyn ee wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here