Dhakhaatiirta oo la yaabban haweeney 4 mataano ah midba maalin gaar ah dhashay

mataano croatia

Haweeney u dhalatay waddanka Croatia ayaa dhashay afar carruur ah oo mataano ah, balse waxay mid walba umushay maalin gaar ah.

Arrintan noocan ah oo aad dhif u ah ayaa dhacda 10-kii sanoba hal mar, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Khubarada caafimaadka ayaa “mucjiso rabbaani ah” ku qeexay in carruur mataano ah ay maalmo kala duwan dhashaan.

Maalintii ay taariikhdu ahayd 1-dii bishan June ayay haweeney 29 jir ah, oo aan doonaynin inay la hadasho warbaahinta, umushay afar carruur ah oo ay caloosha ku wada sidday – kuwaasoo kala ahaa saddex wiil iyo hal gabar.

Cunug walba waxa uu ku jiray hal u gaar ah oo ka mid ah makaanka haweeneydaas, balse dhakhaatiirta reer Croatia ayaa sheegay in kiis noocan ah ay arkaan ugu yaraan tobankii sanoba hal mar.

Markii ugu dambeysay ee dhalashada noocan ah lagu arko Croatia waxay ahayd dabayaaqadii qarnigii hore.

“Waa uur ka kooban afar ukumood, oo ah qaabka u fiican carruurta mataanaha ah, ugana fiican inay ku jiraan hal meel,” ayuu yiri Marko Drazen Mimica, oo ah agaasimaha xarunta caafimaadka ee ay ku umushay haweeneydan.

Damir Banovac, oo ah aabaha dhalay haweeneyda mataanaha dhashay, ayaa BBC-da u sheegay in gabadhiisa caafimaadkeeda uu aad u wanaagsan yahay.

“Way fiicnayd wayna sii fiicnaan doontaa, gaar ahaan marka ay guriga imaadaan oo aan dhammaantood aragno,” ayuu yiri.

Carruurta mataanaha ah ee dhashay ayaa culays ahaan waxa uu miisaankoodu u dhaxeeyaa 1,400 ilaa 1,500 oo garaam, dhirirkooduna waa 40 cm.

“Islamarkii la arko in carruurta mataanaha ah ay yihiin afar waa arrin qayrul caadi ah, sababtoo ah caadiyan waxaan nahay bani’aadan aan laga filanaynin in ay si joogto ah afar mataano ah u dhalaan, sidaas awgeedna uurka noocan ah waa mid khatartiisu bilaabato marka ugu horreysaba, waana in lala socdo ilaa dhalmada,” ayuu yiri Dr Mimica.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in hooyada iyo carruurteeda ay naftooda halis gali lahayd haddii aan daawooyin joogto ah lagu wadin, xaaladdoodana si dhow loola soconin.

Horumarka caafimaad ee maanta ay dunida haysato ayaa fududeeyay in kiisaskan oo kale la maareeyo, sida uu khabiirkaas sheegay.

‘Hadiyad Alle xagiisa ka timid’

Muddadii labada bilood ahayd ee lasoo dhaafay, haweeneyda 29 jirka ah ayaa lagu xannaanaynayay isbitaalka, oo ay dhakhaatiirtu il gaar ah ku hayeen.

Cunug

Markii hore si dabiici ah ayay uurka u qaadday, xilliga dhalmadana waxaa lagu sameeyay qalliin.

“Wax walba sidii loogu talogalay ayay u dhaceen,” ayuu yiri aabeheed, Damir Banovac.

Waxa uu intaas ku daray in aysan wax culaysyo caafimaad ah heysanin gabadhiisa intii ay uurka lahayd oo dhan.

Aabaha qudhiisa waxa uu ka war qabaa in arrintani ay dhif iyo naadir tahay, waxa uuna sheegay inay ku timid “Rabitaanka Alle”.

“Waxaan nahay qoys dhaqameed, waxaan u aqbalnay inay tahay hadiyad nooga timid Alle, sidaas ayuu wax u rabay waana sababta ay wax walba u hagaageen,” ayuu yiri.

Haweeneydan ayaa horay u lahayd gabar afar jir ah, taasoo aad u sugaysa inay aragto walaalaheeda cusub ee isugu jira saddexda wiil iyo halka gabar.

Uurka mataanaha badan

Haweeney kasta marka ay uur yeelanayso waxaa suuragal ah in ilmaha uu noqdo mid ka badan hal, inkastoo badanaa hal cunug ay noqdaan.

4 mataano ah

Marka ay timaado mataanahana waxaa ugu badan labo cunug oo inta badan dhacda. Waxaa sidoo kale caadi ah in haweeney ay saddex carruur ah hal mar dhasho. Balse tirada intaas ka badan ayay khubarada ku tilmaamaan mid lama filaan ah oo khatar waynna wadata.

Waxay saynisyahannadu aaminsan yihiin in mataanaha saddexda carruurta ah lagu dhex arki karo 10-kii kun ee uur.

Inta badan uurka noocan ah waxa uu caloosha ku qaataa 32 ilaa 34 isbuuc, culayska ilmaha ay noqdaanna celcelis ahaan waa 1,800 oo garaam.

Afar mataano ah iyo wixii ka badan waxa ay uurka ku jiraan 10 ilaa 13 isbuuc, kaddibna waxaa badanaa hooyada lagu sameeyaa qalliin.

Dalalka reer Yurub badanaa lagama soo tebiyo dhacdooyinka noocan ah oo marar badan lagu arko meelo ka mid ah qaaradda Aasiya.

Haweenka uurkan qaada waxa ay da’doodu u dhaxeysaa 30 ilaa 35 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here