Dhalinyaro dhibaato ku haysey amaanka Muqdisho oo gacanta lagu soo dhigay

muqdisho no4

Maamulka degmada Kaaraan iyo taliska Booliska Soomaaliyeed oo is kaashanaya ayaa xalay howl-gal ballaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah degmadaasi, iyaga oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro dhibaato ku hayey deegaanka.

Dhalinyarada la soo qab-qabtay ayaa waxaa la sheegay inay dadka shacabka ah xilliyada habeenkii ah weerari jireen, iyaga oo adeegsanayo Maqaro iyo Misaaro.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in marka hore dhalinyaradan ay qofka Toosh indhaha uga qabanayaan, kadibna ay si arxan darro ah u dilayaan, taas oo sidoo kale keentay in xilliyada habeenkii ah ay dadku socon waayaan.

Sidoo kale waxaa dadka deegaanka ay cabasho u gudbiyeen maamulka degmada iyo saldhigga Booliska, maadaama ay dhalinyaradaasi ay u diideen hoyaad iyo hergalba.

Ciidamada ammaanka oo ka jawaabayey cabashada iyo qeylo dhaanta shacabka ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah dhalinyaradaasi, iyaga oo wata hubkii ay ku dhibaateynayeen shacabka, iyaga oo  aan waxba ka galabsanin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inay tallaabo adag ka qaado dhalinyaradan oo koox koox isugu xiran, isla-markaana ka dilaacay xaafadaha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here