Dhaqaalaha uu ka dhintay Mugabe oo la shaaciyay

Grace Mugabe

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ka tagay lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar sida lagu sheegay wargayska Herald.

Mugabe oo geeriyooday bishii September ayaanan helin wakhti uu ku qoro dhaxalkiisa, taasi oo sababtay in dowladda ay qaato tallaabo lagu baadigoobayo hantidiisa.

Gabadha Mugabe, Bona Chikowore, ayaa bishii October shaacisay inuu aabaheed ka tagay $10 milyan oo dollar, afar guri iyo beero ku yaala baadiyaha uu ka soo jeedey.

Waxa uu sidoo kale lahaa 10 gaari, sida wargayska lagu xusay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here