DHAQANKA SSC KHAATUMO OO SOO DHOWEEYAY QARAARKA GOLAHA AMAANKA EE QM

isimada ssc

SSC-Khaatumo ayaa soo Dhoweeyay War Saxaafadeedka Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ka soo saaray dagaal Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Golaha Sare ee SSC-Khaatumo, waxay soo dhowaynayaan war-saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saaray xaaladda waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Hadalka maanta kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday xaqiijinta nabadda waqooyiga Soomaaliya.

Golaha Sare ee SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ugu baaqday inay maleeshiyaadkeeda kala baxdo deegaanada SSC, taasoo ah sida kaliya ee lagu heli karo xal nabadeed oo waara oo ka dhaca Waqooyiga Soomaaliya.

Waxaan u soo jeedinaynaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabo cad oo lagu xaqiijinayo in maleeshiyada Somaliland ay si degdeg ah ula baxdo oo degaanka Oog u geeyaan, si xaaladda dhulka loo dejiyo loona abuuro shuruudo nabadeed.

Sidoo kale, waxaan Somaliland u soo jeedinaynaa inay qaataan oo ay si shuruud la’aan ah u fuliyaan awaamiirta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ciidamadooda kala baxaan SSC, mar haddii ay taasi tahay sababta colaadda SSC.

SSC-Khaatumo waxaa ka go’an mabaadi’da Qaramada Midoobay ee gargaarka bini’aadantinimo, waxaanan kala shaqayn doonaa hay’adaha la shaqeeya sidii loo fududayn lahaa gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn ee dadkeena. Waxaan sidoo kale u sheegaynaa in Somaliland ay shaaciyaan meelaha ay ku jiraan miinada ay ciidamadoodu ku aaseen deegaanka Sool si ay mustaqbalka u badbaadiyaan dadka rayidka ah.

Waxaan u mahadcelineynaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ay u dhowrayaan una ixtiraamayaan madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed, iyo midnimada Soomaaliya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here