Dagaal ooge Xirsi Xaaji Cali Xasan wuxuu ahaa abaabulihii Xasuuqii Kalshaale ee boqolaalka qof dhimaso dhaawacu ka soo gaaray, xukuumaddii Siilaanyo waa ku dalacsiisay waxayna ka dhigtay Siyaasi Mujaahid Somaliland qiime iyo qadarin ku leh bulshooyinka hargeysa iyo Burco.

Gacan-ku-dhiigle kornayl Siciid Cawil Caare wuxuu dad shacab ah oo ilaa afar qof gaaraya ku dilay Gobolka Sool, kuwaas oo lagu dalacsiiyey halkii laga xiri lahaana laga dhigay abaanduulaha Qaybta Sanaag, iyadoo gacan ku dhiiglenimadiisa uu ka markhaati furay Taliyaha Ciidanka Somaliland, Nuux Taani.

Mahad Canbaashe oo ah nimaan aqoon ciidan oo hore lahayn wuxuu caadeystay oo uu la dhaqan yahay Wasiirkii baxsadka ah ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, Mahad waxaa loo isticmaalay cabudhinta shacabka Sool, wuxuu caadeystay inuu hubka lidka diyaaradaha u adeegsado shacab banaanbaxaya oo si nabagelyo ah dareenkooda u cabiraya, falkaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac aan ilaa maanta lagu xisaabtamin.
Mahad waxaa shacabka Gobolka Sool u tirinayaan inuu si toos ah iyo si dadban aabe uga yahay nidaamka maamul xumo ee degaamadaas ka dhaca, ninkan oo ay ahayd in si qoto dheer loo baaro kaalintiisa, haddana shalay ayaa Somaliland Bilad Geesi ku siisay caruurtii iyo dumarkii naasaha laga tooganayey, waa ayaandaro Madaxweyne Muuse ku kacay.
Falalkan noocan ah waxay muujinaysaan sida ay u kala duwan yihiin afka iyo Uurka masuuliyiinba beesha Dhexe oo afkana wax wanaagsan ka sheegaya, uurkoodana ay ka soo burqanayso xumaan xadhkaha goosatay, iyagoo degaamadaas u isticmaala nidaamka gumeysiga ee isku cabudhi.

Shacabka SSC waxaa dulmiga iyo dhabarjebinta ugu weyn u geystay Dawladihii Federaalka Soomaaliya ee kala dambeeyey, oo iyadoo ka baqaya Beelaha Puntland iyo Somaliland ka taliya diiday inay aqoonsadaan Maamul Goboleedkii Khaatumo, taasoo keentay in lagu dhiirado oo la xalaalaysto xasuuqa, tacadiyada iyo cabudhinta degaamadaas lagu hayo, iyadoo la gaaray heer xildhibaanada degaamadaas ka soo jeeday ee rayigooda cabiray suuqa laga afduubto ama dembiyo been abuura loo sameeyo sidii ku dhacday Xildhibaan Dhakool oo golaha Wakiilada Somaliland ka tirsan.
Dhibaatada Gobolada SSC ka jirtaa waxay la mid tahay dhibtii laga dulqaaday Gobolka Gedo ee weli sii haysata gobolada kale ee Jubbaland oo kooxda yar oo kenya taageerto dhib iyo tacadiyo ku hayso.
Waxaa imaan doonta maalin dhamaan xubnihii degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn xasuuqa iyo tacadiyada ka geystay ay cadaaladu sida Cabdirashiid Janan u cayrsan doonto.