Dib u heshiisiinta Qatar iyo Saudi Arabia oo la sheegay in horumar laga gaaray

Qatar Saudi Arabia

Dalalka xifaaltama ee Qatar iyo Saudi Arabia, oo ay wehliyaan kuwa dhex-dhexaadka ah ee Oman iyo Kuwait ayaa Jimcihii sheegay in horumar laga gaaray sidii loo xalin lahaa xasaradda Khaliijka ee xulufo gobolka ka mid ah madaxa u gelisay Doha.

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajeynayo in Washington ay xal dhex dhigi karto dalalkan, hase yeeshee waxa uu ka digay inuusan sameyn karin wax saadaalin ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Kuwait Sheikh Ahmed Nasser al-Mohammed Al-Sabah, oo dalkiisa uu hoggaaminayo dadaallada dhex-dhexaadinta, ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada ay muujiyeen rabitaanka “heshiis kama dambeys ah,” intii lagu guda jiray wada-hadalladii ugu dambeeyey, kuwaasi oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa niyad wanaag ka muujiyey in xiisadda oo billaabatay 2017 ay hadda ku dhowdahay inay dhammaato.

“Waxaan sameynay horumar weyn maalmihii ugu dambeeyey,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan, oo hadlay kadib wada-hadallo dhacay Jimcihii, oo loo qabtay hab online ah.

“Waxaan ku guuleysanay horumar la taaban karno oo aan ka gaarnay qodobada qaar, waxaana hadda socda dhaq-dhaqaaqyo aan rajeyneyno inay soo afjari doonaan xasaradda,” ayuu isna yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

La-taliyaha gaarka ah iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Jared Kushner oo ku sugan gobolka ayaa la rumeysan yahay inuu dalalkan ku cadaadinayo inay heshiis gaaraan kahor inta uusan Trump xukunka ka degin 20-ka Janaayo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here