Dibad-bax lagu taageerayo dib u doorashada Farmaajo oo ka dhacay gobolka Gedo

Gedo taageero farmaajo

Bannaan baxyo lagu taageerayo dib u doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay gobolka Gedo, iyadoo dadka ay sidoo kale muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan warkii kasoo baxay Musharaxiintii mucaaradka ee Muqdisho ku shiray.

Bannaan-baxyadaan ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Gedo, waxaana si cad loogu taageeray ololaha madaxweyne Farmaajo, sidoo kalana waxey kuwa qabyaalad kaliya ku asteysan ku tilmaanen musharaxiintii mucaaradka.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa musharaxiinta mucaaradka ku tilmaamay kuwa aan caafimaad ahaan taam aheyn, una baahan in isbitaal la geeyo, arrimaha ugu weyn ee la isla gartay intii shirkar musharaxiinta mucaaradka socday waxaa ka mid ah arrimo ku saabsan gobolka Gedo.

Musharaxiinta Mucaaradka waxey ku baaqeen in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo laga soo saaro, wuxuuna bannaanbaxaan noqonayaa midkii ugu horreeyay oo ay dowladda abaabusho kadib qoraalkii kasoo baxay musharaxiinta mucaaradka.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sidoo kale aad u diidan yahiin guddiyada doorashada oo ay magacowday dowladda kuwaas oo lagu sheegay iney yahiin saraakiil ciidan, shaqaale ka hawlgala madaxtooyada iyo sidoo kale taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale isku maandhaafsan yahay xubnaha matalaya beelaha Banaadiriga iyo kuwa Somaliland, kuwaas oo wali khilaaf baahsan uu ka jiro, waxaana lagu jiraa wakhtigii lagu ballamay iney bilowdaan qeybta hore doorashooyinka guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here