Dibadbaxyo ballaaran oo hor leh oo looga dhawaaqay Suudaan

banaanbax sudan

Hoggaamiyeyaasha dadka kacdoonka wada ee reer Suudaan ayaa ku baaqay in malaayin shacab ah ay kasoo qeybgalaan dibadbaxyo ballaaran oo la doonayo in berito lagu dhigo waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Dibadbaxyada ayaa lagu codsanaya in golaha militariga ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Dadweyne badan ayaa bannaanbaxyo ka dhigaya agagaarka saldhigga ugu militariga ee ku yaalla magaalada Khartuum.

Dadka dibadbaxa dhigaya waxay ku eedeeyeen militariga inay ka ‘hareen’ dowladdii hore uu hoggaamin jiray, Cumar Al Bashiir.

Horraan,ururka xirfadlayaasha Suudaan ayaa meesha ka saaray wadahadallo ay la yeelan rabeen hoggaamiyeyaasha militariga si laisku la meel dhigo sidii xukunka loogu wareejin lahaa dowlad rayid ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.