Dibadbaxyo Rabshado wata oo Muqdisho ka dhacay

banaanbax muqdisho bajaajley

Dibadbaxyo rabshado wato ayaa maanta dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dibad baxyadaan ayaa waxaa dhigay dhalinyarada Mooto Bajaajta kuwaasi oo ka careeysan dil askari katirsan Booliska uu u geystay wade Bajaaj.

Dhalinyarada ayaa xertay isgooyska Howlwadaag ee Muqdisho.

Banaanbaxaan ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay is dajiyaan oo ay joojiyaan dibadbaxyada.

Baryihii ugu dambeeysay beegsiga dhalinyarada Bajaajta kaxeeysa ayaa ku soo badanayay Muqdisho.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.