Dimuqraadiyiinta: Trump wuxuu doonayay inay dhintaan dadkii ku sugnaa Capitol Hill

Rabshadihii Capitol hill

Senetarada xil ka xayuubinta markii labaad ku sameynaya Donald Trump ayaa waxay soo bandhigeen muuqaal argagax leh oo muujinaya weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congreska ee Capitol.

Iyaga oo soo xiganaya erayadii uu isticmaalay Trump iyo qoraaladii uu soo galiyay barta tweeter-ka, waxa ay xubnaha dimuqraadiyiinta ku doodeen in uu ahaa shaqsigii ” hormuudka u ahaa kicinta ” maalinkii weerarku dhacay iyo ka hor-ba.

Qaar ka mid ah Sanatarada ayaa qiirooday markii ay soo bandhigayeen rabshadaha ay ku kaceen taageerayaasha Trump.

Muqaal ay kamarooyiinka ammaanka duubeen, balse aan la shaacin ayaa sidoo kale muujinaya sida ay dibadbaxayaasha ugu soo dhawaadeen xubnaha congress-ka.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay booliiska oo gabaad siinaya siyaasiyiinta islamarkana mararka qaar ay dibadbaxayaasha ay soo jabinayeen deerta dhismaha.

Waxaa dhanka kale la soo bandhigay cod muujinaya ciidamada ammaanka oo codsanaya taageero, waxaana la maqlayay iyaga oo sheegaya in taageerayaasha Trump ay isticmaalayaan hub.

Stacey Plaskett, ayaa soo bandhigtay caddeyn isaga oo ku dooday in madaxwaynihii hore uu “si ula kac ah” u dhiirigaliyay qalalaaso.

Lix xubnood oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa ku biiray 50-kii xubnood ee xisbiga Dimuqraadiga oo soo jeediyey in madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad lagu soo oogo.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo fadhiya xafiiska Ms Pelosi
Qoraalka sawirka,Mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo fadhiya xafiiska Ms Pelosi

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa la sheegay in ay sare u kaceen falalka cunsuriyadda.

Qareenada u doodaya madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay ee xil ka qaadistiisa ay horey ugu sameeyeen aqalka wakiillada.

Qareennada ayaa waxay sheegeen in taageerayaashiisa 6-dii bishii January weeraray xarunta Congreska ay ahaayeen kuwa si iskood ah u sameeyay falkaasi oo uusan madaxwaynaha amrin.

Trump wuxuu bartiisa Twitterka uu ku soo qoray qoraal uu ku cambaareynayo xubnaha dimuqraadiyiinta sida ay wax u wadaan isaga oo sheegay meel marinta arrimaha sharciga inuu u xilsaaran yahay guddoomiyaha maxkamadda sare balse uu diidday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here